Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Dr. Raymond Omollo ayaa qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday dalka Pakistan.
Waxaa wafdigan hoggaaminaya xoghaye ku xigeenka arrimaha gudaha ee Pakistan Mr. Khushal Khan.
Wakiillada matalaya wasaaradda arrimaha gudaha ee Pakistan ayaa Kenya ku joogo socdaal qaadanaya hal toddobaad oo lagu tilmaamay mid istaraatiiji ah.
Waxaa socdaalka wafdigan fududeynaya xoghaynta maamulka xuduudaha ee (BMS) iyo hay’adda caalamiga ee socdaalka ee (IOM).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray in mas’uuliyiinta ka yimid Pakistan ay fahmaan qaabka ay Kenya u maareyso xuduudda.
Wafdiga ayaa si gaar ah u daneynaya qorshaha Kenya lagu imaanaya dal ku gal la’aan ,nidaamka tiknolojiyadeed iyo geeddisocodka ganacsi.
Dr. Raymond Omollo ayaa sheegay in Kenya iyo Pakistan ay wadaagaan iskaashi wax wada qabsi ah oo ku saleysan horumarka tiknolojiyadeed si loola tacaalo caqabadaha dhanka amniga.