Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa kulan la qaatay hoggaanka dalladda ay ku mideysan yihiin shirkadaha gaarka ah ee dalka ee KEPSA.
Waxa mas’uuliyiintan hoggaaminayay ku xigeenka madaxa fulinta ee KEPSA Mr. Victor Ogalo.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray tallaabooyinka dheeraadka ah ee dhanka amniga ee ay qaadaysa dowladda si loo wanaajiyo jawiga ganacsiga ee wadanka.
Waxaa si gaar ah looga hadlay in la wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan ilaalada gaarka ah iyo lacagaha la siiyo iyo isticmaalka adeegyada shakhsiyaadka leh tababarro ku filan.
Sidoo kale waxaa shirka lagu soo hadal qaaday baahida loo qabo in la iska kaashado maareynta badqabka dhanka intarneetka iyo aaladaha tiknolojiyadeed.