Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa saaxiibbada Kenya ee dhanka horumarka ka codsaday caawimaad dheeraad ah.
Waxaa uu u bandhigay inay sare u qaadaan taageeradooda la xiriirta xoojinta kaabayaasha amni ee dalka iyadoo lagu saleynaya khatarrada isa soo taraya.
Arrintan ayuu ka sheegay shirka labaad ee iskaashiga dhinaca nabadgalyada, amniga iyo horumarka.
Caqabadaha ugu waawayn ayuu ku tilmaamay argagixisada iyo weerarrada dhanka intarneetka.
Waxaa uu xoghayaha ku boorriyey deeq bixiyaasha inay mudnaan siiyaan maalgelinta barnaamijyada leh saameynta tooska ah.