Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka oo ka hadlay dagaalka u dhaxeeya Pakistan iyo Hindiya

0
403

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa la hadlay taliyaha ciidamada Pakistan, Asim Munir, iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Subrahmanyam Jaishankar.
War lasii daayay ayaa lagu sheegay in Rubio uu labada dhinac ku booriyay inay helaan waddooyin lagu dejin karo xiisadda.
Rubio wuxuu ballan qaaday taageerada Mareykanka si loo bilaabo “wadahadallo wax-ku-ool ah si looga fogaado dagaallo mustaqbalka ah.
Dhanka kale Mas’uuliyiinta Hindiya ayaa sheegay in ugu yaraan 22 ruux la dilay tan iyo markii ay xiisaddu bilaabmatay iyadoo kumannaan qof ay ka carareen deegaannada xadka