Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa safar ku tagay boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Waxaa uu arroornimadii hore ee maanta uu Blinken kulan la qaatay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamad Bin Salmaan.
Waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington ayaa bayaan ku sheegtay in labada mas’uul ay ka wada hadleen xoojinta xasiloonida iyo amniga Bariga Dhexe.
Blinken ayaa dhanka kale Maxamad Bin Salmaan u sheegay in ilaalinta xuquuqul aadanaha ay sii adkeyn karto xiriirka labada dowladood.