Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo la hadlay taliyaasha Suudaan

0
249

Xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa la hadlay taliyeyaasha hoggaaminaya dhinacyada ku dagaallamaya dalka Suudaan.
Blinken oo dalka Japan uga qayb galaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada G7 ayaa xilliyo kala duwan khadka taleefoonka kula xiriiray taliyaha ciidamada militariga ee Suudaan Abdel Fattah al-Burhan iyo ku xigeenkiisa Maxamad Hamdan Daglo oo ay ka amar qaataan ciidamada sida militariga u tababaran ee RSF.
Sida laga soo xigtay Vedant Patel oo ah afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington , Blinken ayaa taliyeyaasha u sheegay in si degdeg ah loogu baahan yahay in la gaaro heshiis xabbad joojin ah.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhimashada iyo dhaawaca shacabka Suudaan ee ay sababeen iskudhacyada joogtada ah.
Tani iyo Sabtidii waxaa iskudhacyada u dhexeya militariga iyo ciidamada RSF oo isku haya awoodda Suudaan ku dhintay ilaa 200 oo ruux halka in ka badan 1,800 oo kalena ay ku dhaawacmeen sida ay shaacisay qaramada midoobay.