Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa safar aan la sii shaacin ku tagay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv.
Blinken ayaa Ukraine ku sugnaan doono labo cishe.
Waxay u badan tahay inuu shaaca ka qaado taageero militari oo dheeraad ah oo uu Maraykanka siinaya Ukraine taasoo ah in ka badan hal bilyan oo doolar sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington.
Waxaa uu Blinken la kulmi doonaa madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy , wasiirka arrimaha dibadda Dmytro Kuleba , saraakiil sare oo ka tirsan dowladda wadankaasi iyo mas’uuliyiinta ururrada rayidka ah.