Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka oo booqanaya Niger

0
253

Xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta safar ku tagaya dalka Niger.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ku xigeenka xoghayaha waaxda dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Molly Phee ay Niger ku tilmaantay dalka ugu muhiimsan qaaradda marka la eego iskaashiga amni ee kala dhexeya xukuumadda Washington.
Waxay si gaar ah u tilmaantay la dagaalanka kooxaha hubeysan ee aaggaasi ka jiro.