Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee xisbiga Wiper,Agatha Solitei ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in madaxa xisbigan Kalonzo Musyoka uu weli qayb ka yahay tartanka loogu jiro qabashada hoggaanka ugu sarreeya wadanka 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in madaxweyne ku xigeenkii hore aan loo ansaxin u tartamidda xilka madaxtinnimo maadaama uunan buuxin shuruudo laga doonayay.
Hasa ahaate Solitei ayaa hoosta ka xarriiqday in xisbiga Wiper uu guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC u gudbiyay saxiixyo elektoroonig ah.
Qoraalka waxaa qayb ka ah in xisbigu uu 25-kii bishan IEBC ku wareejiyay saxiixyada tooska ah.
Guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa Kalonzo Musyoka iyo xulafadiisa u qabtay ugu dambeyn 9-kii subaxnimo ee maanta si ay u soo dhameystiraan saxiixyada elektorooniga taasoo ay u hoggaansameen.
Kalonzo Musyoka oo safar ugu maqnaa Ingiriiska ayaa shalay wadanka dib ugu soo laabtay .
Xeerarka doorashooyinka ee Kenya waxaa ka mid ah in musharrax kasta oo madaxweyne laga doonayo inuu IEBC ku wareejiyo ugu yaraan 2000 oo ah saxiixyada taageerayaashiisa ku sugan aqlabiyadda ismaamullada wadanka.