Xisbiga Wiper oo maxkamadda dacwad u gudbin doona haddii Kalonzo ku xigeen la magacaabin

0
612

Xildhibaanka deegaanka Makueni Dan Maanzo oo ka tirsan xisbiga Wiper ayaa sheegay in haddii Raila Odinga uunan ku xigeenkiisa u magacaabin madaxa xisbigan Kalonzo Musyoka, qareennadooda ay maanta dacwad u gudbin doonaan maxkamadda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay dalban doonaan in maxkamadda ay waxba kama jiraan ka soo qaaddo heshiiskii lagu soo dhisay isbeheysiga Azimio-One Kenya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Kalonzo Musyoka haddii aan loo xulan madaxweyne ku xigeenka Raila inuu u tartami doono xilka madaxweyne ee musharraxa One Kenya oo uu xita diyaarsaday cidda ku xigeen u noqonaysa.