Xisbiga Wiper oo isaga baxaya isbahaysiga NASA

0
628

Guddiga Fulinta ee Xisbiga Wiper (NEC) ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan sidii ay uga bixi lahayeen isbahaysiga NASA si ay u raadsadaan iskaashi cusub ka hor doorashada guud ee dalka loo asteeyay inay ka dhacdo bisha agost ee sanadka 2022-ka.
Hogaamiyaha Wiper Kalonzo Musyoka, oo maanta ka hadlayay kulan uu yeeshay xisbigiisa ayaa sheegay in go,aankan ay si wadajir ah u gaareen gudiga Wiper iyo siyaasiyiinta kale ee ka midka ah.
Kalonzo wuxuu sheegay in xisbiga Wiper uu hada si rasmi ah u gali doono isbahaysiga One Kenya Alliance (OKA), asaga oo waliba ku booriyay xisbiga (ODM) in ay ku daydaan oo ay ku soo biiraan isbahaysigooda.
Wuxuu kaloo ku dhawaaqay in Agaasimihii hore ee NASA Norman Magaya uu ogolaaday inuu ku biiro xisbiga Wiper si uu ugala qeyb qaato xoojinta ololaha ay ugu jiraan doorashada guud 2022-ka.