Xisbiga UDA oo sheegay in go’aankii guddoomiye ku xigeenkoodi uu ugu biiray Azimio ay ahayd khalad wayn

0
646

Xisbiga UDA ee uu hoggaamiyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa wax micno ahayn ka soo qaaday go’aankii uu shalay guddoomiye ku xigeenkii xisbigan Kipruto Arap Kirwa uu ugu biiray isbeheysiga Azimio.
Mudanaha laga soo doortay deegaanka Soy ee ismaamulka Uasin Gishu ,Caleb Kositany oo la hadlay teleefishinka maxalliga ee Cetizen ayaa sheegay in tallaabada uu Mr. Kirwa ugu biiray isbeheysiga Azimio-One Kenya aysan waxba u dhimeynin rajada uu xisbiga UDA ka qabo inuu ku guuleysto hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Waxaa uu ku dooday in guddoomiye ku xigeenkii xisbiga UDA Kipruto Arap Kirwa uu sameeyay khalad wayn.
“Waxaan u maleynayaa inuu sameeyay khalad aad u wayn, horay ayuuna u sameeyay khaladaad badan” ayuu yiri xildhibaanka deegaanka Soy Caleb Kositany
Mr. Kositany ayaa xusay in Kirwa uunan cidna u sheegin inuu isaga tagaya xisbiga UDA.
Shalay ayay ahayd markii guddoomiye ku xigeenka xisbiga UDA,Kipruto Arap Kirwa uu si rasmi ah ugu biiray isbeheysiga Azimio.
Tallaabadan ayuu qaaday xilli shalay musharraxa madaxweyne ee Azimio Raila Odinga uu isku soo bax siyaasadeed ku qabtay deegaan baarlamaneedka Sirisia ee ismaamulka Bungoma , galbeedka wadanka.
Kirwa ayaa go’aanka uu qaatay ku sheegay inuu ka fikirayay 13 cisho u aaneeyay saameynta siyaasadeed ee ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.
“Waxaan iska casilay xilkeygii guddoomiye ku xigeenka UDA sababtoo ah waxaan dareemay sida dimuqraadiyadda loo caburin doono haddii aan garabka kale fursad siino “ ayuu yiri Kipruto Arap Kirwa .
Siyaasigan ayaa ku dhawaad 20 sano ahaa xildhibaanka deegaanka Cherangany ee dowlad deegaanka Trans Nzoia isagoo sidoo kale soo noqday wasiirkii wasaaradda beeraha ee maamulkii madaxweyne Mwai Kibaki.
Musharraxa madaxweyne ee Azimio La Umoja Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua ayaa sheegay in Ruto iyo xulafadiisa ay xilli hore walwal siyaasadeed muujinayaan sida inuu jiro qorsho lagu faragelinaya natiijada doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.