Xisbiga UDA oo maanta qabanaya doorashooyiin hoose

0
357

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Sabtida maanta ah codeeyay doorashooyinka hoose ee xisbiga (UDA) ee ka socda Dugsiga Hoose ee Koilel ee ismaamulka Uasin Gishu.
Madaxweynuhu wuxuu tilmaamay in doorashooyinku ay ka dhacayaan 20 degmo, iyadoo xubnaha xisbigu ay u codeynayaan inay doortaan mas’uuliyiinta ugu sarreysa xisbiga.
Wuxuu ammaanay tirada badan ee musharixiinta ah ee u soo baxay inay raadsadaan jagooyinka hoggaanka ee hoose, isagoo sheegay in ka qaybgalkoodu uu xoojinayo xisbiga isla markaana uu horumarinayo Ajandaha Isbeddelka Dhaqaalaha ee dalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ammaanay xubnaha xisbiga ee u soo baxay inay codeeyaan, isagoo sheegay in howshani ay ka tarjumayso sida xisbiga uga go’an tahay maamulka dimuqraadiga ah iyo hoggaanka jawaab celinta leh.
Doorashooyinka hoose ee xisbiga UDA ayaa ka dhacaya 12,000 oo xarumood oo codbixinta ah oo dalka oo dhan ah, iyadoo xogta rasmiga ah ee xisbiyadu ay muujinayso in 310,651 musharax ay iska diiwaan galiyeen inay u tartamaan jagooyin kala duwan, taasoo ka badan 237,940 xafiis oo xisbi oo diyaar ah.