Xisbiga UDA oo dalbaday in la baaro arrimo ay shaacisay hanti dhowraha guud

0
297

Xoghayaha guud ee xisbiga UDA, Cleophas Malala ayaa bayaan uu soo saaray ku dalbaday in baaritaano qoto dheer lagu sameeyo arrimo ay dhawaan shaacisay hanti dhowraha qaranka Dr. Margaret Nyakang’o.
Dhawaan ayay ahayd markii ay baarlamaanka u sheegtay in wasiirkii hore ee maaliyadda Ukur Yattani uu muddo 26 daqiiqo gudaheeda ah ku cadaadiyay inay ansixiso isticmaalka 15 bilyan oo shilin.
In kastoo uu Yattani tani iska fogeeyay haddana Malala ayaa sheegaya in eedeyntan ay tahay mid culus oo aan la fududeysan karin sidaas awgeedna u baahan in laga sal gaaro.