Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa hakiyay qorsho uu ku doonayay inuu xubno dheeraad ah ka diiwaangeliyo ismaamulka Nairobi.
Guddoomiyaha ODM ee Nairobi George Aladwa ayaa arrinkan shaaciyay in kastoo uunan faahfaahin sababta.
Aladwa ayaa sheegay in hoggaamiyaha xisbiga , Raila Odinga uu guddoomin doono munaasabadda lagu billaabaya diiwaangelinta xubnaha cusub iyadoo dib laga soo sheegi doono halka barnaamijkan lagu daahfuraya.
Arrintan ayaa dib loo dhigay ilaa 7-da bisha 12-aad ee sanadkan.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in diiwaangelintan ay maanta ka billaabato dhammaan deegaannada hoose ee caasimadda dalka.