Xisbiga ODM ayaa qoraal uu soo saaray waxaa uu ku beeniyay inuu is casilay barasaabka ismaamulka Siaya James Orengo.
Tani ayaa timid ka dib markii baraha bulshada lagu faafiyay warqad lagu xusay in Orengo uu isku casilay sababo caafimaad awgood.
Hasa ahaate, ODM ayaa sheegtay in warqaddaasi ay tahay mid been abuur ah oo la doonaya in dadweynaha lagu marin habaabiyo.
Xisbiga ayaa shacabka ku boorriyay in ay warqaddaasi iska indha tiraan.