Waxaa ay doorashadii ka dhacday boqortooyada Ingiriiska ay guul wayn uga soo hooyatay xisbiga shaqaalaha ee Labour Party.
Hoggaamiyaha xisbigan Keir Starmer oo lagu wado inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha xiga ee Ingiriiska ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in isbeddel uu hadda billaabanaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in siyaasiyiin caan ah oo ka tirsan xisbiga Conservative ee Ra’iisul Wasaare Rishi Sunak ay doorashada ku guul dareysteen.
Waxaa shakhsiyaadkan ka mid ah wasiirka difaaca ee UK Grant Shapps iyo wasiiradda waxbarashada Gillian Keegan.