Xisbiga DAP-K oo u yeeray xildhibaanka Bariga Mumias

0
179

Xisbiga Democratic Action Party – Kenya ee (DAP-K) ayaa u yeeray mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Bariga Mumias Peter Salasya ka dib markii uu siyaasigan muuqaal ka soo dhex muuqday isagoo dharbaaxaya mid ka mid ah wakiillada deegaannada hoose.
Falkan ayuu ku kacay isbuucii hore xilli uu ku sugnaa goob aas ah.
Madaxa xisbiga DAP-K horayna u soo noqday wasiirkii gaashaandhigga ee dalka Eugene Wamalwa ayaa sheegay inay doonayaan in ay fahmaan sababihii keenay inuu xildhibaanka gacan qaado.
Waxaa uu intaasi ku daray inay eegi doonaan dhacdooyin kale oo Peter Salasya lagu eedeyay habdhaqan xumo.
Salasya oo la xiray ka dib markii uu dharbaaxay wakiilka deegaanka hoose ee Malaha/Isongo ee ismaamulka Kakamega Peter Walunya Indimuli ayaa maxkamadda la soo taagay wuxuuna hadda bannaanka ku jooga damaanad.
Wamalwa ayaa sheegay in ay xildhibaanka la kulmi doonaan maanta.
Eugene Wamalwa ayaa bogaadiyay waxqabadka mudanaha balse wuxuu sheegay inay muhiim tahay inuu xalliyo arrimaha lagu dhaliilaya ee dhanka habdhaqanka sida maareynta caradiisa.