Xisbiga ANC ee uu hoggaamiyo Musalia Mudavadi ayaa sheegay in ay meesha ka saarayaan manhajka waxbarashada ee CBC, haddii ay ku guuleystaan hoggaanka ugu sarreeya ee dalka ee doorashada guud bisha siddeedaad ee sanadkan.
Qoraal uu xisbiga ANC ku daabacay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayaa lagu sheegay in hoggaamiyaasha siyaasadeed ee dhawaan ku midoobay isbeheysiga Kenya Kwanza ee kala ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto, madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi iyo dhigiisa Ford Kenya Moses Wetangula, haddii ay kusoo baxaan xilka madaxtinimo ay meesha ka saarayaan manhajka CBC.
Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa ku dhaliilay xisbiga talada dalka haya ee Jubilee inuu ku degdegay hirgelinta manhajka cusub ee waxbarashada ee CBC.
Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee dalka ayaa xusay in manhajkan uu waalidiinta saarayo culeys dhaqaale.
Waxaa uu inta ku daray in manhajkan la dhaqangeliyay iyadoo aan la tashiyo ballaaran lala sameynin dadka uu nidaamkan khuseeyo.
Dabayaaqadii sanadkii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha uu dhaliil u jeediyay shakhsiyaadka aan taageersanayn hirgelinta nidaamkan.
Hannaanka cusub ee waxbarashada ee 2-6-3-3 ayaa la daahfuray sanadkii 2017-kii si loogu beddelo manjahkii hore ee 8-4-4.
Ujeeddada laga leeyahay nidaamkan ayaa ah in ardayda laga soo dhiso dhanka xirfadaha.