Xiriirka laanqayrta cas oo codsaday 112 milyan oo doolar ka dib dhul gariirkii Morocco

0
263

Xiriirka caalamiga ee laanqayrta cas iyo bisha cas ee IFRC ayaa codsaday gargaar lacageed oo ah 112 milyan oo doolar.
Waxay doonayaan in dhaqaalahan loo adeegsado ka fal-celinta saameynta dhulgariirkii Jimcihii ku dhuftay dalka Morocco.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in musiibadaasi oo uu cabirkeedu ahaa 6.8 ay ku nafwaayeen 2,800 oo qof.
Lacagta ayay IFRC doonaysa in loo adeegsado baahiyaha aasaasiga sida biyaha , hooyga iyo nadaafadda.