Xiriirka FKE oo baaq ka soo saaray canshuurta guriyeynta

0
199

Xiriirka ay ku mideysan yihiin shirkadaha loo shaqeeya ee dalka ee (FKE) ayaa xubnihiisa ka dalbaday inay joojiyaan in wixii hadda ka dambeeya ay dadka u shaqeeya ka jaraan lacagaha ay dowladdu ugu talagashay dhisidda guriyaha ee Housing Levy.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maanta maxkamadda racfaanka ee dalka ay maxkamadda sare ku waafaqday amar horay loogu hakiyay qorshahan.
Nidaamkan ayay maxkamaduhu ku tilmaameen mid sharci darro ah.
FKE ayaa bayaan ay maanta soo saartay waxay shirkadaha loo shaqeeyo ku wargelisay in ay hakiyaan in mushaarka howlwadeennada bil waliba laga jaro boqolkiiba 1.5 ilaa amar dambe.
Waxaa bayaankan soo saartay agaasimaha fulinta ee xiriirka FKE Jacqueline Mugo.
Sidoo kale FKE ayaa shirkadaha dadka shaqaaleysiiyay ugu baaqday inay howlwadeenadooda arrinkan ku wargeliyaan.
Dhanka kale xildhibaanka deegaanka Ugunja ahna madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka dalka Opiyo Wandayi ayaa doonaya in dowladdu ay kenyaanka u soo celiso lacagihii laga jaray tan iyo bishii Toddobaad ee sanadkii hore si loogu biiriyo sanduuqa guriyeynta.
Siyaasigan ayaa xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Taita Taveta ee gobolka Xeebta waxaa uu maamulka madaxweyne William Ruto ku dhaliilay inuu culeysyo dheeraad ah saaray kenyaanka.
Maxkamadda racfaanka ayaa maanta dhinac iskaga dhigtay labo codsi oo ay dowladdu gudbisay kuwaasi oo ku aaddanaa in la qaado xayiraadii ay maxkamadda sare soo saartay 28-kii bishii 11-aad ee sanadkii hore .
Garsoorayaasha kala ah Lydia Achode, John Mativo iyo Mwaniki Gachoka ayaa xusay inay tixgeliyeen danta dadweynaha.