Karraaniyaasha aqalka sare iyo baarlamaanka ee kala ah Jeremiah Nyegenye iyo Serah Kioko ayaa shaaciyay in 9-ka bisha 11-aad ee sanadkan la soo xuli doono Shakhsiyaadka matalayada Kenya ee ku biiraya golaha xeer dejinta bariga Afrika ee EALA.
Qof waliba oo doonaya in xisbi siyaasadeed uu soo magacaabo si uu uga mid noqdo mudanayaasha baarlamaanka bariga Afrika ayaa haysta ilaa 2-da bisha soo socoto si uu codsi u gudbiyo.
Shuruudaha waxaa ka mid ah in qofka uu yahay muwaadin, inuu u qalmo u tartamidda kursi baarlamaneed , inuunan wasiir ahayn, in uunan ka tirsanayn laamaha ammaanka ee jaaliyadda bariga Afrika sidoo kalena uu leeyahay khibrad ku filan oo uu uga shaqeyn karo horumarinta danaha bulshadiisa.
Xisbiyada ayaa laga doonaya inay soo gudbiyaan magacyada 27 qof si turxaan bixin ka dib looga xusho sagaal.
Waxaa uu qorshuhu yahay in baarlamaanka cusub ee EALA la soo dhiso 17-ka bisha 12-aad ee sanadkan.