Ka dib markii shalay xilka qaadis lagu sameeyay Issac Mwaura oo aqalka sare si magacaabid ah ku galay ayaa waxaa hadda jagadaasi lagu beddelay Sammy Prisa Leshore oo horay u soo noqday senatarka ismaamulka Samburu.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa arrinkan ku xaqiijiyay qoraal rasmi ah oo ku taariikhaysan 11-kii bishan.
Waxaa bayaanka ku cad in xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee uu Sammy Prisa u soo magacaabay matalaadda dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo uu jiro amar maxkamadeed oo galinkii dambe ee shalay lagu hor istaagay xilka qaadista Mwaura.
Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay in aan go’aanka siyaasadeed lagu tallaaba qaadi karin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwad ka dhan ah oo uu senatarka gudbiyay.
Garsoore Joseph Sergon ayaa sheegay in dacwaddan la dhageysan doono 24-ka bishan.
Waxaa uu in muddo ah khilaaf ka dhexeyay senatar Issac Mwaura iyo xisbiga soo magacaabay ee Jubilee taasoo keentay in ugu dambeyn xilka laga xayuubiyo.
Guddoomiyaha aqalka sare ee dalka Ken Lusaka ayaa si rasmi ah u shaaciyay in uu bannaan yahay xilkii uu hayay Mwaura.