Xildhibaano iska fogeeyay inay soo abaabuleen weerar lagu qaaday diyaaradda Raila

0
609

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Soy Caleb Kositany iyo dhigiisa Kapseret Oscar Sudi ayaa iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay oo ahayd inay ka dambeeyeen weerar Jimcihii lagu bartilmaameedsaday diyaarad sidday madaxa xisbiga ODM Raila Odinga xilli uu ku sugnaa ismaamulka Uasin Gishu.
Xilli ay saaka warbaahinta kula hadleen magaalada Eldoret ayay mas’uuliyiintan sheegeen in eedeymaha ka dhanka ah ay yihiin kuwo siyaasadeysan.
Waxay waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ku dhaliileen inay tahay mid aan howlaheeda u madax bannaaneen.