Mudanayaasha haweenka ah ee ka soo jeedo deegaannada xoolo dhaqatada sida gobolka waqooyi bari ayaa baaq u diray maamulka isgaarsiinta wadanka.
Waxay doonayaan in dowladda ay kordhiso muddada kama dambeyska ah ee loo qabtay kenyaanka si ay u cusbooneysiiyaan macluumaadka ay iskaga diiwaangeliyeen shirkadaha isgaarsiinta.
Muddadan waxay ku egtahay 15-ka bishan oo Sabtida ku beegan.
Xildhibaannada oo ay hor kacaysa wakiilka dumarka ee ismaamulka Marsabit Naomi Waqo ayaa codsiga ay dirayaan u aaneeyay saameynta abaarta.
Waxay sheegeen in bulshada xoolo dhaqatada ah ay ku tiirsan yihiin taleefoonada gacanta si ay u helaan lacagaha tooska ah ee ay dowladdu bixiso.
Qiyaastii 4.1 milyan oo qof oo xoolo dhaqato u badan ayaa wajahaya cunno yari iyo biyo yari ay abaarta sababtay.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Garissa Udgoon Siyaad ayaa sheegtay in loo baahan yahay in muddadan la kordhiyo maadaama aan la sameyn wacyigelin buuxda oo ku aaddan cusbooneysiinta macluumaadka macaamiisha.