Xildhibaannada oo doonaya in la is waafajiyo deeqaha waxbarashada

0
238

Xildhibaannada baarlamaanka dalka ayaa u ololeynaya in la is waafajiyo lacagaha ay dowladdu dhanka waxbarashada uga taageerto ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah.
Mudanayaasha ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in la mideeyo amaahda tacliinta sare ee (HELB) iyo lacagaha kale sida deeqaha waxbarasho ee ismaamullada iyo deegaannada.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo qaar ka mid ah daneeyeyaasha arrimaha waxbarashada ay dowladda ku dhaliileen nidaamka cusub ee maalgelinta tacliinta jaamacadaha iyo machadyada lagu barto culuunta farsamada ee TVET.
Waxay sheegeen in hannaankan uunan fursad siin arday ka soo jeedo qoysas sabool ah oo aan awoodin lacagaha laga doonaya in ay bixiyaan.
Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Suba Caroli Omondi ayaa sheegay in heerarka maalgelinta tacliinta sare ee dalka lagu saleeyay awoodda dhaqaale ee qoysaska tani oo horseedi karto khiyaano iyo musuqmaasuq.
Madaxa siyaasiyiinta Kenya Kwanza u qaabilsan dhanka nidaamka iyo abaabulka ee baarlamaanka Sylvanus Osoro ayaa dhankiisa sheegay in dowladdu laga doonaya in ay caddeyso sida ay wiilasha iyo gabdhaha fursad ugu wada siinayso maalgelinta waxbarashada sare.