Xildhibaannada Finland oo ka doodaya in dalkaasi uu ku biiraya NATO

0
424

Siyaasiyiinta dalka Finland ayaa maanta yeelanaya dood ku saabsan in wadankaasi uu xubin ka noqon karo gaashaanbuurta NATO iyo in kale.
Tani ayaa timid ka dib markii dood ay ka dhalatay taageerada siyaasadeed ee ay dowladuhu u muujin karaan Ukraine oo uu 24-kii bishii labaad ee sanadkan ku duulay Ruushka.
Kal-fadhiga baarlamaanka Finland ee maanta ayaa ku soo aadaya iyadoo Ruushku uu soo saaray digniin ah in hadii Finland iyo dalka dariska la ah ee Sweden ay xubno ka noqdaan NATO uu sare u kacaya barnaamijka nukliyeerka ee waddamada loo yaqaano Baltic ee kala ah Estonia, Latvia iyo Lithuania oo dhammaan xubno ka ah NATO.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay ra’iisul wasaaraha Finland Sanna Marin sheegtay in isbuucyo gudahood ay ugu biiri karaan NATO oo aynan ku qaadanayn bilooyin.
Xubnaha baarlamaanka Finland oo ka kooban ilaa 200 ayaa eegaya warqad uga timid dowladda oo lagu qeexayo saameynta wanaagsan ee ka dhalan karto ku biiridda NATO oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka difaaca.