Mudanayaasha baarlamaanka dalka ayaa walaac ka muujiyay dhacdooyin dhawaan la soo tabiyay oo ah in arday ay u geeriyoodeen cudurro iyo shilalka waddooyinka.
Waxaa mooshin arrinkan ku aaddan golaha qaran ee xeer dejinta u gudbiyay mudanaha deegaan baarlamaneedka Butere ee ismaamulka Kakamega Tindi Mwale.
Xildhibaannada ayaa dhacdooyinkan ku tilmaamay kuwo laga xumaado waxayna dalbadeen in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanaya xaaladahan.
Sidoo kale mudanayaasha ayaa su’aal geliyay in dugsiyada dowladda ee leh qaybta jiifka ay xamili karaan tirada sii kordheysa ee ardayda.
Waxay dhanka kale ku baaqeen in la soo saaro xeerar ku aaddan qaabka cuntooyinka iyo biyaha loogu qaybiyo dugsiyada si looga hor tago nadaafad darrada.
Dugsiyada Mukumu Girls iyo Butere High School ayaa ka mid ah xarumaha waxbarashada ee dhawaan la xiray ka dib xanuunno ka dillaacay.