Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kimani Ichung’wah ayaa madaxweynaha wadanka William Ruto u xaqiijiyay inay si buuxda ugu taageeri doonaan dadaallada uu wado ee lagula dagaallamaya falalka musuqmaasuqa.
Ichung’wah ayaa hoosta ka xarriiqay in mudanayaasha golaha qaran ee xeer dejinta ay sida habboon u gudan doonaan waajibaadka ka saaran kormeerka sida loo isticmaalo lacagaha dadweynaha.
Siyaasigan ayaa madaxweyne William Ruto uga mahadceliyey inuu hoggaamin wanaagsan muujiyay oo uu qaaday tallaabooyin ka dhan ah maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA iyo shirkadda xaqiijinta tayada badeecooyinka ee KEBS oo la soo tabiyay musuqmaasuq saameeyay.