Xildhibaankii hore ee deegaan barlamaaneedka Lugari ee ismaamulka Kakamega Enoch Kibunguchy, ayaa geeriyooday isagoo lagu daweynayo isbitaalka Eldoret ka dib markii uu muddo dheer xanuunsanaa.
72-jirkan ayaa xilka kala wareegay Cyrus Jirongo isagoo ahaa xildhibaanka Lugari intii u dhaxeeysay 2003 ilaa 2007-dii. Intaa kadib waxaa uu noqday xildhibaanka deegaanka Likuyani ee isla dowlad deegaankaas xilkaas oo uu hayay intii u dhaxaysay 2013 iyo 2022-kii.
Intii uu siyaasadda ku jiray, Kibunguchy waxaa uu la shaqeeyay dhowr xisbi siyaasadeed, oo ay ku jiraan FORD-Kenya, ODM, iyo DAP-K.
Marka laga soo tago xilkiisa xildhibaan nimo Kibunguchy ayaa sidoo kale ahaa Kaaliyaha Agaasimaha Adeegyada Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka isagoo ka soo qabtay jagooyin sare isbitaalka Waxbarashada iyo Tixraaca ee Moi iyo Isbitaalka Guud ee Gobolka Xeebta.
Isagoo xaqiijinaayo geerida Enoch Kibunguchy xildhibaanka hadda ee deegaanka Lugari, Nabii Nabwera, ayaa u tacsiyeeyay qoyska ninka geeriyooday isagoo sheegay inuu ahaa hoggaamiye aad u wanaagsanaa oo ku dayasho muddan.
Home Wararka Kenya Xildhibaankii hore ee Lugari Enoch Kibunguchy oo geeriyooday ka dib xanuun muddo...




