Guddi ka kooban saddex garsoorayaal ah ayaa loo saaray inay Arbacada soo socoto ee 2-da bisha 11-aad ee sanadkan dhageystaan dacwad racfaan ah oo uu gudbiyay xildhibaanka deegaanka Sirisia ee ismaamulka Bungoma John Waluke.
Waluke ayaa doonaya in dib looga noqdo xukun xabsi oo ah 67 sano kaasoo lagu riday.
Waxaa uu ku doodaya in xukunka uu yahay mid adag oo uunan u qalmin.
Xaakinnada arrintan eegi doono ayaa kala ah Asike Makhandia, Sankale ole Kantai iyo Grace Ngenye .
Waxaa xildhibaanka matalaya qareen lagu magacaabo Elisha Zebedee.
Horraantii bishan ayay ahayd markii garsoore Esther Maina, oo ka howlgasho maxkamadda sare ee dalka ay sheegtay in si shaki la’aan ah loo cadeeyay dacwadda lagu soo oogay xildhibaanka ee ah inuu ku lug lahaa fadeexad lagu lunsaday lacag dhan 313 milyan oo shilin.




