Xildhibaanka Mukurweini oo baaq u diray madaxweynihii hore ee dalka

0
192

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Mukurweini ee ismaamulka Nyeri, John Kaguchia ayaa madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta u sheegay inuu u dhaqmo sida qof waddani ah haddii uu doonaya in dowladda talada haysa ay si wanaagsan ula macaamisho.
Waxaa uu u soo jeediyay inuu ka fadhiisto siyaasadda oo uunan ku lahaan door firfircoon maadaama uu howlgab noqday.
Xildhibaanka ayaa ka jawaabayay eedeyn uu Uhuru Kenyatta u jeediyay madaxweyne William Ruto oo ahayd inuu isku dayaya inuu cabsi geliyo xubnaha qoyskiisa.
Tani ayaa timid ka dib markii laamaha ammaanka ay howlgal ka sameeyeen guriga wiilka Uhuru Kenyatta ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi halka sidoo kale hooyadiisa lagala laabtay ciidamadii ilaalinayay.
Waxaa ka sii horreysay in 27-kii bishii Saddexaad ee sanadkan weerar lagu qaaday beerta qoyska Kenyatta ee ismaamulka Kiambu halkaasi oo xoolo laga dhacay.
Uhuru Kenyatta oo falalkan ka carooday ayaa sheegay in maamulka madaxweyne Ruto laga doonaya inuu isaga si toos ah u soo abbaaro oo uunan dhibaateyn ehelladiisa.