DHAGEYSO:Xildhibaanka Molo oo beeniyay in canshuur dheeraad ah lagu soo rogay beeralayda

0
181

Xildhibaanka deegaanka Molo ee ismaamulka Nakuru ahna guddoomiyaha guddiga maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha dalka ee baarlamaanka Kimani Kuria ayaa beeniyay in ay jirto canshuur dheeraad ah oo laga qaadaya beeralayda soo saaro afakaadhaha.
Waxaa uu xusay in tani ay tahay mid lagu marin habaabinaya kenyaanka.
Mudanaha ayaa sheegay in aynan jirin qayb ka mid ah xeerka maaliyadda ee sanadkii hore ee 2023 Finance Act oo canshuur cusub ku soo rogtay beeralayda.