Xildhibaanka Mathira ee Nyeri oo maxkamad la soo taagay

0
437

Waxaa maanta maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ka soo hormuuqday mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua.
Maalinkii Jimcaha ayay ahayd markii xabsiga la dhigay.
Waxaa xilligaasi laga soo qabtay Nyeri isagoo loo soo qaaday xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ee magaalada Nairobi .
Saacado dhowr ah ayaa su’aalo lagu weydiiyay xaruntaasi ka hor inta aan lagu xirin saldhigga booliska ee xaafadda Gigiri ee caasimadda dalka.
Mudanaha ayaa lagu eedeyay musuqmaasuqa waxayna wararku sheegayaan inay suuragal tahay in lagu soo oogo ilaa 5 dacwadood.
Ciidamada dambi baarista ayaa dabagal ku hayo lacag dhan 12.5 bilyan oo shilin oo la mariyay akoontiyadiisa bangiyeed taasoo la rumeysan yahay in laga lunsaday dadweynaha.
Waxaa lagu tuhmayaa inuu ka macaashay qandaraasyo la siiyay 22 shirkadood.
Hasa ahaate waxaa uu doodayaa in eedeymahan ay yihiin kuwo siyaasadeysan sidaas awgeedna uu diyaar u yahay inuu faahfaahiyo qaabkii uu hantidan ku helay.
Waxaa uu ogaan doonaa in maxkamadda ay damiin ku siidaynayso iyo in kale.