Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa, Cabdiqaadir Xuseen Maxamad ayaa dowladda dhexe ugu baaqay inay wax ka qabato caqabad dhanka waddooyinka ah .
Waxaa uu sheegay in roobabka da’ay awgood aan la marin karin waddada u dhexeysa Garissa iyo Madogaashe.
Saameynta ka dhalatay roobabka waxaa ka mid ah in biyaha ay buuxdhaafiyeen webiga Qoryaale iyadoo ay jiraan guriyo burburay sida uu xildhibaanka ku sheegay qoraalkiisa barta X.
Waxaa uu si gaar ah baaqa ugu diray maamulka qaran ee dhisa waddooyinka waawayn ee KeNHAKenya isagoo xusay inay muuqato in waddada Garissa-Madoogashe ay leedahay cillado farsamo.
Sidoo kale waxaa uu codsaday in dowladdu ay dardargeliso dhisidda ceel biyoodka wayn ee Madogashe mega dam ee la soo jeediyay si mustaqbalka loo keydiyo biyaha roobka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Kipchumba Murkomen uu sheegay inuu jiro qorsho laami lagu saaraya waddooyinka u dhexeya Lamu- Garissa-Isiolo-Moyaale ilaa Itoobiya.