Xildhibaanka Koonfurta Wajeer oo ku baaqay in la maalgeliyo beeralayda WQ

0
257

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta Wajeer, Maxamad Caddow ayaa ku baaqay in maalgelin lagu sameeyo wax soo saarka beeralayda gobolka Waqooyi Bari.
Waxaa uu sheegay in haddii beeralayda ay maalgelin helaan in wax soo saarkoodaa lagu quudin karo guud ahaan dalka.
Arrintan ayuu ka sheegay shirweyne lagu qiimeynaya saameynta maalgashi ee waqooyiga wadanka kaasoo ka qabsoomay maqaaxida Safari park .
Maxamad Caddow ayaa sheegay in xoolo dhaqatada gobolka oo qaarkood abuur sameeya ay yihiin dad dadaal badan oo u baahan in dhaqaale ahaan la taageero.
Xildhibaanka ayaa sheegay in gobolka Waqooyi Bari uu awood u leeyahay inuu ka mid noqdo meelaha ugu horreeya ee dhanka wax soo saarka beeraha ee dalka balse keliya uu u baahan yahay maalgelin.