Xildhibaanka Koonfurta Kilifi oo la xiray

0
287

Waxaa xabsiga loo taxaabay mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta ismaamulka Kilifi, Ken Chonga ka dib muran isaga iyo ciidamada booliiska ku dhex maray deegaanka Mtwapa halkaasi oo ay isugu soo baxeen dibadbaxayaal .
Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay guddoomiyaha golaha hoose ee dowlad deegaanka Kilifi ,Teddy Mwabire iyo gacan yaraha khaaska ah ee mudanaha Koonfurta Kilifi , Victor Katana.
Dhanka kale saraakiisha booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa xiray labo qof oo ka qayb qaadanayay dibadbaxyo ka dhacay deegaanka Mathare.