Xildhibaanka Koonfurta Gatundu oo maraya baaritaan maskaxeed

0
309

Waxaa baaritaan la xiriira caafimaadka maskaxeed mari doono mudanaha deegaan baarlamaneedka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu Gabriel Kagombe.
Waxaa uu ku eedeysan yahay inuu dilay mid ka mid ahaa wadayaasha mootooyinka.
Ka hor inta uunan Jimcada racfaan qaadan ayay maxkamaddu amartay in la soo baaro oo la xaqiijiyo in caafimaadkiisa maskaxeed oo saxan yahay .
Garsooraha maxkamadda sare ee dalka ,Francis Olel ayaa amary in xildhibaanka la geeyo isbitaalka wayn ee Kiambu maalinka Arbacada ah si baaritaan maskaxeed loogu sameeyo.
Xildhibaanka ayaa loo haystaa in uu wadaha mootada ku toogtay deegaanka Thika xilli ay taageerayaasha labo siyaasi isku dhaceen mashruuc suuq oo la fulinaya awgeed.
Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in xildhibaanka lagu hayo saldhigga booliiska ee Muthaiga .
Jimcihii ayaa la xiray Kagombe wuxuuna wajahaya dacwad ah inuu si aan habboonayn u adeegsaday hubkiisa taasi oo sababtay geerida David Nduati.