Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta Gatundu ee ismaamulka Kiambu ,Gabriel Kagombe ayaan maanta ka soo hormuuqan guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC oo u yeeray.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in xildhibaanka uu xafiisyada guddiga tago abaare 11-kii barqannimo ee maanta.
Hasa ahaate isagoo uu wakiil ka yahay qareenkiisa Omenke Andeje ayuu mudanaha warqad u qoray guddiga.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay inuu codsanaya in loo beddelo taariikhda uu ka soo hormuuqanaya NCIC oo looga dhigo 31-da bishan May.
Wakiilka ayaa xusay in mudanaha uu maanta ku mashquulsan yahay howlo shaqo oo rasmi ah.
Siyaasigan ayaa su’aallo laga waydiin doonaa hadal uu jeediyay oo lagu tilmaamay hanjabaad , kicin dadweyne iyo aflagaddo.
Dhammaan waxyaabahan ayaa liddi ku ah qaybta koowaad ee farqada 13-aad ee xeerka NCIC.
Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ayaa baaritaano ku haaya hadal uu xildhibaanka ka jeediyay fagaaraha Gatundu Stadium xilli uu daahfurayay barnaamijka ay dowladda ardayda uga bixiso qarashaadka dugsiyada.
Madaxa fulinta ee guddiga NCIC ,Harrison Kariuki ayaa warqad uu qoray ku sheegay in mudanaha uu wajahaya baaritaan ku saabsan inuu ku kacay iskudirka shacabka ismaamulka Kiambu iyo dadweynaha gobollada kale isagoo ka hadlayay qaabka loo qaybsado kheyraadka qaran.
Xildhibaanka Koonfurta Gatundu ayaa xilligaasi eedeyn u jeediyay hoggaamiyaasha deegaannada oomanaha ee loo yaqaano ASALs isagoo sheegay in kastoo ismaamulladan la siiyo lacagaha dowlad deegaannada kale lagula simo dhanka horumarka , dhaqaalaha horumarinta deegaannada ee CDF in haddana madaxda ay ku fashilmeen inay hirgeliyaan mashaariic faa’iidooyin u leh bulshada taasoo keentay in dadweynaha ka soo jeedo deegaannada xoolo dhaqatada ay ismaamullada kale u raadsadaan adeegyada sida tacliinta.