Guddoomiyaha guddiga miisaaniyadda ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Kiharu ,Ndindi Nyoro ayaa xubnaha garabka mucaaradka ee dalka ugu baaqay inay joojiyaan siyaasadeynta hindise sharciyeedka maaliyadda ee Finance Bill 2023.
Mudanaha ayaa xusay in geeddisocodka soo saaridda miisaaniyadda iyo soo jeedinnada wasaaradda maaliyadda ay yihiin kuwo lagala tashanaya kenyaanka.
Ndindi Nyoro ayaa sheegay in isbeddelo lagu sameyn doono soo jeedinnada wasaaradda maaliyadda si ay qorshahan ugu heshiiyaan dowladda iyo shacabka.
Waxaa uu intaasi ku daray in xildhibaannada ay ka doodaan arrin kasta oo baarlamaanka loo soo gudbiyo.
Madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio Raila Odinga ayaa dhowr mar dowladda dhexe ku dhaliilay inay hindise sharciyeedka uga gol-leedahay sare u qaadidda canshuurta xilli kenyaanka ay wajahayaan culeys nololeed.
Raila ayaa hindisaha ku tilmaamay mid aan u wanaagsanayn qaranka sidaas awgeedna la doonaya in baarlamaanka uu dhinac iskaga dhigo.




