Xildhibaanka deegaanka Mavoko oo la soo siidaayay

0
277

Waxaa xabsiga laga soo siidaayay mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Mavoko ee ismaamulka Machakos , Patrick Makau oo saaka la xiray.
Waxaa lagu amray inuu berri iska xaadiriyo xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xildhibaanka abaare 4-tii aroornimo ee saaka laga kaxeeyay hooygiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.
Saraakiisha ammaanka ayaa siyaasigan geeyay xarunta dhexe ee waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da halkaasi oo su’aallo lagu waydiiyay ka hor inta aan la soo siidayn.
Makau ayaa laga wareystay dibadbaxyadii shalay ka dhacay waddada wayn ee Nairobi ExpressWay gaar ahaan dhanka Mlolongo.
Xariga xildhibaanka ayaa ku soo aadaya saacado un ka dib markii wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ,Prof. Kithure Kindiki uu sheegay in gacanta lagu dhigi doono cid kasta oo si toos ah ama si dadban uga qayb qaadatay mudaaharaadyadii shalay ka dhacay qaybo ka mid ah wadanka.
Ugu yaraan sagaal qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dibadbaxyada waxaana ka mid ahaa 4 ku nafwaayay Mlolongo, labo lagu dilay Kitengela iyo qof kale oo ku dhintay magaalada Emali ee ismaamulka Makueni .