Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Mugirango oo dhaliil u jeediyay barasaabka Kisii

0
186

Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Mugirango ahna madaxa isbeheysiga Kenya Kwanza u qaabilsan dhanka abaabulka ee baarlamaanka Sylvanus Osoro ayaa guddoomiyaha ismaamulka Kisii Simba Arati ku eedeyay inuu shalay isku dayay inuu jahwareer abuuro.
Osoro oo qiray in dowladda dhexe ay ciidamada sida militariga u tababaran ee GSU-da ay geysay dowlad deegaankaasi ayaa dhanka kale sheegay in tallaabadaasi looga gol-lahaa xaqiijinta amniga .
Osoro ayaa barasaabka Kisii ku eedeyay inuu khatar geliyay nolosha shacabka ismaamulkaasi isagoo adeegsanaya sida uu hadalka u dhigay maleeshiyaad iska dhigaya wadayaasha mootooyinka.
Waxaa uu ku dhaliilay inuu xoogga saaraya arrimo siyaasadeed oo uu ku tagriifalaya kheyraadka dadweynaha.
Xildhibaanka ayaa barasaabka Kisii ka dalbaday inuu caddeeyo qaabkii uu u isticmaalay 13 bilyan oo shilin oo ay dowladda dhexe siisay ismaamulka Kisii.
Hasa ahaate Simba Arati ayaan weli ka jawaabin eedeymaha uga yimid mudanaha deegaanka Koonfurta Mugirango.