Xildhibaanka deegaanka Kasipul oo xalay la toogtay

0
637

Waxaa xalay fiidkii ismaamulka Nairobi lagu toogtay xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Kasipul ee ismaamulka Homa Bay Charles Ong’ondo Were.
Siyaasigan oo ka tirsanaa xisbiga ODM ayay abaare 7:30 daqiiqo ee fiidnimo ay labo nin oo hubeysnaa ku weerareen meel u dhow wareegga goobta meydadka la dhigo ee City Mortuary ee caasimadda dalka.
Sida laga soo xigtay goobjoogayaal ,ragga xildhibaanka toogtay waxay saarnaayeen mooto.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in baabuurka xildhibaanka lagu daba jiray ka hor inta aan rasaas lagu furin.
Xildhibaanka deegaanka Kasipul oo uu dhaawac soo gaaray ayaa markii la geeyay isbitaalka Nairobi Hospital halkaasi ku geeriyooday waxaana toogashada ka badbaaday darawalkiisi iyo ilaaliyihiisi.
Bayaanka booliiska waxaa ku cad in weerarkaasi uu ahaa mid laga soo baaran degay oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday xildhibaanka.
Charles Ong’ondo Were oo la soo doortay sanadkii 2017-kii ayaa horay uga soo shaqeeyay wasaaradda waxbarashada ee dalka.
Siyaasiyiinta xisbiga ODM iyo xildhibaannada kale ayaa sheegay in ay aad uga naxeen dilka mudanaha waxayna ku baaqeen in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo dhacdadaasi.
Afhayeenka adeegga qaran ee booliiska ee NPS Muchiri Nyaga ayaa bayaanka ku xusay in ay cambaareynayaan toogashada oo aan laga gaabin doonin in falkaasi laga sal gaaro.
Booliiska oo tacsi u diray qoyska uu ka baxay xildhibaanka, baarlamaanka iyo shacabka deegaanka Kasipul ee ismamulka Homa Bay ayaa cid kasta oo falkaasi goob joog u ahayd ka codsaday in macluumaadka ay hayso la wadaagto laamaha ammaanka.