Xildhibaanka Belgut oo su’aallo la waydiiyay

0
243

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Belgut ee ismaamulka Kericho ,Nelson Koech ayaa waxaa su’aallo waydiiyay saraakiisha waaxda dambi baarista ee ismaamulka Nakuru.
Xildhibaanka ayaa laga wareysanayay dhacdooyin lagu gubay iyo falal dambiyeedyo kale oo lagu bartilmaameedsaday shirkadaha caleenta shaaha ee ismaamullada Kericho iyo Bomet.
Waxaa ilaa iyo hadda arrimahan wax laga waydiiyay barasaabka ismaamulka Kericho ,Eric Mutai, dhowr ka mid ah wakiillada deegaannada hoose ee ismaamullada Bomet iyo Kericho, qaar ka mid ah shacabka iyo maamulayaasha 5 ka mid ah baraha Whatsapp-ka.
Shacabka ayaa burbur u gaystay shirkadaha iyagoo ka cabanaya in shaqooyin ay qaban lahaayeen loo adeegsanaya qalab casri ah.
Koech oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saraakiisha dambi baarista ay ku amreen inuu nabad galyada ka shaqeeyo oo uunan ka hadlin arrintan inta ay baaritaannada socdaan.