Xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Belgut ee ismaamulka Kericho Nelson Koech ayaa soo jeediyay in Raila Odinga oo dhawaan ku guul darreystay xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da dalka looga magacaabo xil sare.
Waxaa uu sheegay in Raila uu mar kale noqon karo Ra’iisul Wasaaraha qaranka.
Xilli uu saaka u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayuu Nelson Koech hoosta ka xarriiqay in Raila uu leeyahay waayo aragnimo hoggaamineed oo ay dowladda talada haysa ka faa’iidaysan karto.