Mudanaha deegaan baarlamaneedka Bartamaha ismaamulka Kisumu Joshua Oron ayaa shaaciyay qorsho ay dhallinyarada derbi jiifka ah ugu biirayaan machayada lagu barto culuunta farsamada ee TVETS.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu cunto u qaybinayay boqolaal ka mid ah carruurtan.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu doonaya in dib loo soo celiyo rajadii ay da’yartan ka lahaayeen mustaqbalka maadaama aynan hadda wax baran sida uu hadalka u dhigayna ay bulshadu gacan bidixeysay.
Xildhibaanka ayaa sheegay in dhallinyaradan badankoodu ay leeyihiin karti la xiriirta barashada farsamada kala duwan sida darawalnimada , dhisidda guriyaha , soo saaridda kuraasta , sariirrada iyo cillad-bixinta baabuurta.
Joshua Oron ayaa xusay in barnaamijkan oo billaaban doono sanadka nagu soo aaddan uu noqonaya mid aan qasab ahayn in qofka uu ka qayb qaato.
Mudanaha ayaa sheegay inuu adeegsan doono lacagaha sanduuqa qaran ee horumarinta deegaannada ee (NG-CDF) si carruurtan looga bixiyo qarashaadka waxbarashada.
Waxaa uu hoggaamiyaasha kale iyo samafalayaasha ka codsaday in ay iyagana guda galaan barnaamijyo noocani ah oo lagu taageeraya dadka derbi jiifka ah.
Home Wararka Kenya Xildhibaanka Bartamaha Kisumu oo ballan qaad u sameeyay dhallinyarada derbi jiifka ah