Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka bariga Wajeer Rashiid Qaasim Aamiin ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka baxeen afar qof oo ku dhimatay qarax shalay dhacay.
Qaraxa ayaa laga fuliyay inta u dhexeysa weelgaras iyo Handhaaki ee dowlad deegaankaasi.
Rashiid Qaasim ayaa laamaha ammaanka ugu baaqay inay gacanta ku soo dhigaan shakhsiyaadkii falkaasi ka dambeeyay.
Sidoo kale waxaa uu soo jeediyay in ammaanka deegaankaasi aad loo sugo.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ayuu mudanaha ku sheegay in aan marnaba laga daali doonin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Waxaa uu shacabka ku boorriyay inay laamaha ammaanka si dhow ugala shaqeeyaan ka hor tagga falalka amni darro.
Waxaa sidoo kale falkaasi si kulul u cambaareeyay qoysaska uu sida gaarka ahna u saameeyay tacsi u diray barasaabka dowlad deegaanka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar.
Waxaa uu weerarka ku tilmaamay mid loo fuliyay qaab ay fuleynimo ku dheehan tahay isagoo laamaha ammaanka ugu baaqay inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigaan dadkii fuliyay qaraxa.
Senatar Farxiya Xaaji oo aqalka sare si magacaabid ah ugu biirtay ayaa dhankeeda saraakiisha ammaanka ugu baaqday inay laba jibbaaraan howlgalladooda.
Waxay ciidamada kula talisay inay xoojiyaan isweydaarsiga xogaha sirdoonka iyo kormeerka amni si gaar ah deegaannada xiga dhanka xuduudda ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.
Weerarka shalay ka dhacay Wajeer ayaa yimid ka dib midkii Isniintii laga soo tabiyay ismaamulka Mandera oo ay ku dhinteen 7 qof halka 13 kalena ay dhaawacmeen.