Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Bariga Mumias ee ismaamulka Kakamega Peter Salasya ayaa maanta hortagay guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC.
Mudanaha ayaa iska xaadiriyay xarunta dhexe guddigan ee magaalada Nairobi.
Waxaa mudanaha wehlinayay qareennadiisa.
Madaxa fulinta ee EACC, Twalib Mbarak ayaa horay amray in xildhibaanka laga doonayo inuu guddiga EACC ka soo hormuuqdo.
Waxaa laga doonaya inuu qoro farriin ku aaddan sababta keentay inuu wakiil deegaan hoose u gacan qaado.
Waxaa xidhibaanka loo haystaa inuu 12-kii bishan goob uu aas ka socday uu ku dharbaaxay wakiilka deegaanka hoose ee Malaha-Isongo-Makunga, Peter Walunya Indimuli.
EACC ayaa sheegtay in siyaasigan uu baal maray xeerarka hoggaanka iyo hufnaanta laga doonayo madaxda sida ku qeexan cutubka 6-aad ee dastuurka dalka.