Xildhibaanka Bariga Mumias oo maanta ka soo hormuuqan doono Guddiga NCIC

0
101

Xildhibaanka laga soo doorto bariga deegaanka Mumias Peter Salasya ayaa la filayaa inuu maanta horyimaado guddiga qaran ee isdhexgalka Bulshada (NCIC).
Sida ay guddigu sheegeen, xildhibaanku waxa uu wajahaya kiis la xiriira takoor qowmiyadeed, waxana loo ballansan yahay in uu iska xaadiriyo xarunta NCIC 11:00 barqanimo oo ay wax ka yar saacad naga xigto.
Salasya ayaa 19-kii bishii May ee sanadkan ka soo hormuuqday maxkamad ku taal magaalada Nairobi xili lagu eedeeyay inuu daabacay hadal nacayb abuuri kara.
Waxaa sido kale lagu eedeeyay ‘kicin’ dadweyne isir nacayb oo uu ka dhex abuurayo bulshooyinka Luo iyo Luhya ,iyadoo 10-kii bishii May uu ku soo bandhigay bartiisa X qoraallo loo aqoonsaday kicin bulsho.
Warqadda dacwadda lagu soo oogay ayaa lagu sheegay in xildhibaanku uu si bareer ah u daabacay erayo aflagaado ah oo saameyn ku yeelan kara labada beelood.
Warqadda dacwadda ayaa sido kale lagu sheegay in dembigan uu ka horimaanayo qodobka 13(1)(b) iyo 13(2) ee xeerka guddiga isdhexgalka bulshada NCIC kaasi oo la soo saaray sanadkii 2008-dii.