Xildhibaanada oo Qaylo dhaan ka Muujiyay Dowladaha Xubnaha ka ah EAC ee ku guul daraystay inay ka soo baxaan Waajibaadka Maaliyadeed

0
212

Xildhibaanada ayaa baaq u diray qaar ka mid ah dalalka Bariga Afrika oo ay ku eedeeyeen inay bixin waayeen dhaqaalihii ay ku heshiiyeen in lagu taakuleeyo guddiga EAC.
Guddiga Barlamaanka ee Is dhexgalka Gobolka ayaa magaalada Mombasa kulan kula yeeshay Waaxda Arrimaha EAC si ay uga wadahadlaan warbixinnada Golaha Sharci-dejinta ee Bariga Afrika (EALA).
Xildhibaanadan ayaa sheegay in fashilkan uu halis ku yahay habsami u socodka howlaha shaqo ee hay’adaha dowliga ah, oo ay ka mid tahay bixinta mushaaraadka shaqaalaha.
Inta uu kulanka socday ayaa mudanayaasha baarlamaanka waxaa ay su’aalo ka weydiiyeen sababta Kenya ay u gudaneyso waajibaadkeeda maaliyadeed ee ku aadan xilliga loogu talagalay, balse kuwa kale aysan u fulin.
Xildhibaanada ayaa waxaa ay ku baaqeen in la sameeyo hab dhaqangelineed oo ka dhex jira qaabka EAC si loo xaqiijiyo u hoggaansanaanta.
Guddiga ayaa si kastaba ha ahaatee, taageeray hindise ogolaanaya in dal walba uu si toos ah u bixiyo mushaaraadka shaqaalaha.
Xildhibaanada ayaa sheegay in heshiiska EAC uu u baahan yahay in wax laga bedelo si loo xaqiijiyo in waddamada ka soo baxa waajibaadkooda maaliyadeed sida Kenya ay helaan hab cadaalad ah oo aan la gelin meel xun.
Dr. Caroline Karugu, oo ah xoghayaha guud ee EAC, ayaa qiratay in xaaladdu ay adagtahay. Waxaa ay sheegtay in arrintan si heer sare ah looga wada hadlayo EAC, waxayna ballan qaaday in lagu dadaalayo sidii dhammaan dowladaha xubnaha ka ah ay u bixin lahaayeen canshuuraha ku aaddan sanad maaliyadeedka 2024/25.
Dr. Karugu ayaa sidoo kale ku boorisay guddiga inay eegaan caqabadaha kale ee ganacsiga gobolka, sida canshuuraha iyo fududeynta ganacsiga, si loo helo maalgashi gobolka.
Iyada oo qayb ka ah caqabadaha ay soo jeediyeen hoggaamiyeyaasha intii uu socday kulanka, ayaa xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Karachuonyo ee ismaamulka Homa Bay Okuome Adipo waxaa uu walaac ka muujiyay carqaladaynta ganacsi ee soo food saartay kalluumaysatada Kenya, wuxuuna ku baaqay in si wanaagsan ay ula shaqaystaan kallumeysatada Uganda.